Abwaan dirkax
Ugaas caano geele
Geesi la garaniyo garbuud dagaan ahay
Gobodnimo ku caano gabanin baan ahay
Gunta waa ganaa garta waa gooyaa
Sheikh abdirahmaan buu abtirkeyga gala
Geed kaan joogana lama gaardiyo
Gunta iyo gaalkana waa gumaada
Gari go an nin godey anaa gaardiyo
Ninka gafay garaadkeega waa i eersan
Gardarada cad walee god bee kugu ridi
Gumac iyo dhangad baan kugu galbin
Gowskiyo gafuurkaan isku kaa jabin
Nimuu geesi dhalay gardaadiyay baan ahay
Guuxiisa laga baqo sidii aarka
Guutada jowxiyo gorgor baan nahay
Gantaalada dhiciyo girimees baan ahay
Dhashii haaji qoraxeey geesiyadii baan ahay
Gobtii jidwaaqiyo garaadadi baan ahay
Girinoofka dhiciyo weeyteen baan ahay
Kuwii garta goon jiray baalcad baan ahay
Guntu ha iska hadashee gobti maxee leedahay
Nin la gaari waayo lagu diimaan ahay
Geeliisu geel dhalay oo gabanin baan ahay
Guuxiisa laga baqo reer sheikh hussein baan ahay
Guntu ha iska hadashee gobtu maxee leedahay?
Nin la gaari waayo lagu diimaan ahay
Geeliisu geel dhalay oo gabanin baan ahay
Guuxiisa laga baqo reer sheikh hussein baan ahay
Guntu ha iska hadashee gobtu maxee leedahay?
Hadaa gaarnay guushi baa gaarnay
Hadaa gaarnay guushii baa gaarnay
Hadaa gaarnay guushi baa gaarnay
Hadaa gaarnay guushii baa gaarnay
Nimaan garta goyn karin looma geeyo
Anaa garashiyo aqoonba leh
Anaa geesinimo ku caan baxayoo
Ana gayigaba matali kara
Ana garab iyo xigaal garan
Marwalba anigaa guleesan
Gob iyo nasab guule iga dhigayoo
Gayaanka dhamaan mideen karaa (mideen karaa)
Nin galmudug habar gidir gurxami baan ahay
Geeligiisu daaqo guriceel baan ahay
Madaxdii reer gado mareexaan baan ahay
Hagarka buuhoodle garaadadii baan ahay
Gariga tuli guuleed gobtii baan ahay
Gacalka reer qardho boqortooyaan ahay
Koonfur galbeet iyo raxaweyn baan ahay
Warsangaliga lagaran suldaamadii baan ahay
Gobtii xawaadliyo samaroon baan ahay
Garxaajis ciisiyo carab saalax baan aahy
Abgaal baan ahay
Gabooyan ahay
Ciise Maxamuud reer garoowan ahay
Nin la gaari waayo lagu diimaan ahay
Geeliisu geel dhalay oo gabanin baan ahay
Guuxiisa laga baqo reer sheikh hussein baan ahay
Guntu ha iska hadashee gobtu maxee leedahay?
Nin la gaari waayo lagu diimaan ahay
Geeliisu geel dhalay oo gabanin baan ahay
Guuxiisa laga baqo reer sheikh hussein baan ahay
Guntu ha iska hadashee gobtu maxee leedahay?
Поcмотреть все песни артиста
Другие альбомы исполнителя